War Culus::Deni oo Warqad adag ka helay Dawladda Mareykanka,

Khaatumonews.com wuxuu helay macluumaad xaqiijinaya in warqad qoraal ah oo kasoo baxday dawladda Mareykanka, gaar ahaana Safirkeeda arrimaha Soomaaliya in loo gudbiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo looga hadlayay arrimaha siyaasadeed ee waqtigan taagan.

Si gaar ah qoraalka waxaa looga hadlay khilaafka adag ee u dhaxeeya dawlad gobaleedyada Jubbaland, Puntland oo isku dhinac ah iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, ilaa uu gaaray ay Puntland u yeerato xubnaha ka jooga Muqdisho.

Sida uu ogaaday Khaatumonews.com waxyaabaha ku qoran warqaddan ayaa ah in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu qaado labo talaabo oo labaduba muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee la qorsheynayo in ay dhacaan dhammaadka sannadkan.

Labada qodob ayaana kala ah.

  • In madaxweynaha Puntland bisha March dhamaadkeeda uu dhigo gogol ay iskugu imaanayaan Dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, taas oo looga tashanayo arrimaha ay dhinacyadu isku hayaan go’aana looga gaarayo.
  • Haddii taas dhici weydo in uu ka qeybgalo madasha Wadatashiga Hoggaamiyaasha Soomaaliya oo dhankaas ka dib la dhigi doono magaalada Muqdisho, oo ay martigalinteeda leedahay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

 45 total views,  1 views today