War Deg Deg Ah:Ciidanka Gaar ah Oo Hada Lagu Wareejiyay Ragii Dilka iyo Kufsiga Isugu Daray Caasha ilyaz,

11-ka February 2020 ayaa ku muddaysan wakhtiga ay Xeer ilaalinta Puntland ku dhawaaqday in la toogan doono saddexda eedeysi ee loo haysto Kiiskii Caa’isha Ilyaas.

12-kii bishii January ee la soo dhaafay xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa si rasmiya u muddeeyay wakhtiga la fulin doono qisaasta saddexda nin ee ku xukuman Kiiskaasi.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan.

Hadaba Khaatumonews ayaa Goordhaweyd ogaatay in Saacadaha soo aadan la toogan Doono Ragan oo lagu helay Inay caasha u Gaysten Dil iyo Kufsi,

Ciidamada Gaarka ah ee Maamulka Puntland ayaa lagu wareejiyay Xubnahan loo diyaariyay Qisaasta,

 45 total views,  1 views today