Labo Arrin Oo Puntland Samaysay Kama Dhicin Soomaaliya,

Waxaan raba inan dul istaago labo arin oo ka dhacay gudaha soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamulka Puntland oo aan ka dhicin Deegnaada kale ee soomaaliya.

Markii ay burburtay Dawladii dhexe ee soomaaliya dalka soomaaliya waxaa ugalay qalalaase xoogan kadibna isku tashi ayaa ka dhacay Deegaanada inta badan,

Iskutashigu wuxuu hormuud u noqday inay dhismaam maamullo qaab dawladeed ah oo kala duwan.

Maamulada soomaaliya ka dhisan midkasta waxaa u leeyahay Hanaan Dawladeed laakiin waxay ku kala tagen xaga Tayadda iyo Go aanka.

Puntland waxay kamid tahay maamulada 20 sano jirsaday balse waxa ka dhacay sanadkii ugu danbeeyay maaha wax ka dhacay soomaaliya,

Puntland waxa ka dhacay Kufsi sadex nin u gaysten gabadh 12 sano jir ah oo lagu magacaabo Caasha Ilyas.

Soomaaliya kuma aha wax cusub Kufsiga iyo Dilka isla socda balse sidan Casriga ah ee Puntland wax u baadhay kadibna ay Natiijadii baadhitaanka u fulisay ayaa ah mid aan ka dhicin Deegaanada soomaaliya.

Hadaba puntland markii arrinkaasi dhacay waxay qaaday labo talaabo oo layaab leh.

1-waxay qaaday in la soo qabto ragii arrinkaasi ka danbeeyay kadibna lamariyo baadhitaan caalami ah oo dhanka DNA-ka ah kaaso kharashka ku baxay iyo wakhtiga ay bixisay maamulka puntland.

2-Go aan ay xukumadu ku gaadhay in la Qisaaso ragaasi markii ay ku cadaatay in ay Falkaasi ka danbeeyen kadibna laba nin loo Qisaaso Gabadh La kufsaday lana dilay,

Soomaaliya kama dhicin in Laba nin Loo qisaaso Gabadh Ay Kufsaden oo dilen laakin way ka dhacday Soomaaliya in laba nin iyo ka badan gabadh kufsadan waliba dilan,

 49 total views,  1 views today