Deg Deg:Muuse Biixi,Abiy Axmed iyo Farmaajo, Oo Leh Shir Halis Ku Ah Puntland iyo Buuhoodle,

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia gaar ahaana Addis Ababa.

Addis Ababa oo madaxweyne Biixi, tegayo waxa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wararka Hoose ee Khaatumonews ka heshay Socodaalka Muuse Biixi, waxay Sheegayan in Muuse Bixii, iyo Farmaajo yeelanayaan Shir hoose islamarkaana uu arrinkasi ka yahay Gadhwadeen Raysal wasaara Itoobiya,

Shirkan Ayaa looga hadlaya Sidii Dawlada Fadaraalka soomaaliya ay Maamulka Somaliland, ugu Taageerilahayd In ay la wareegan Buuhoodle iyo Deegaano kamid ah Ceerigaabo gaar ahaan dhulka Warsangali ee haatan Gacanta ugu jira Puntland.

Itoobiya, oo arrinkan dhabarka ka riixaysa waxayna ku Cadaadinasa Dawlada U Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, In uu Dhaqaalle Xoogan ku siiyo Soomaliland Hawlgalkaasi,

Abiy Axmed iyo Farmaajo ayaa Labo dan ka kala leh Qabashada Buuhoodle iyo caro warsangali oo somaliland loo gacan galiyo.

Itoobiya, ayaa danta ugu weyn u aragta in Buuhoodle loo gacan galiyo Somliland, iyadoo Itoobiya lasiiyay xog ah in Buuhoodle ay ka samaysantay Alshabab taaso ah xog ay deegaanka ka gudbiyen Maamulka somaliland si loogu taageero in loo gacan galiyo Buuhoodle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka leh Danta ugu weyn Qorshaha Sanaag iyo qabashadiisa in la koobo Puntland islamarkaana lagu koobo caro Majeerten kadibna dhamaan dhulkii la odhan jiray Soomaaliya, loo kala qeybiyo labo gobol oo kala ah Waqooyi,oo somaliland si buuxda u maamusho iyo koonfur, oo si buuxda dawladu u maamusho si meesha looga saaro maamulada.

Sidoo kale kulanka waxaa ku jira qorshe ah in Wadahadalka Fadaraalka iyo somaliland loo bilaabo si dagan oo aan kala kac lahayn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in Wadahadalka Dawlada iyo Maamulka somaliland, u miisan yeelan doono Marka dawlada Fadaraalku si buuxda ula wareegto Koonfur Sidoo kalana ay Somaliland si buuxda ula wareegto Waqooyi..

Isha Ku Hay Khaatumonews.com

 56 total views,  1 views today