War Deg Deg Ah::Labo Dhulbahante Ah Oo Ku Dhintay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Jubaland Iyo Kuwo Farmaajo keenay Beladxaawo.

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaaro geestay uu Degmadaasi ku dhax maray ciidamo dowlada iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Dagaalka ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmadaasi. .

Inta la xaqijiyay ilaa hada Dagaalkaasi waxaa lagu Dilay Lamid kamid ah Ciidamadii Madaxweyne Farmaajo Diyaarada ku keenay Beladxaawo oo Ka soo Jeeda dhalasho ahaan Deegaanka SSC Ama Beesha Dhulbahante,

Dhanka kale waxaa ka Hal askari ka dhintay ciidanka Jubaland.

Inta badan magalaada waxaa Hada gudaha ugu jira ciidanka Jubaland iyadoo Ciidankii Dawlada soomaliiya ay ku urursan yihiin meel aan saas uga fogayn Magaalada,

Xaalada ayaa aad looga dayrinaya waxaana laga cabsi qaba in Dagaalkani sii xoogaysto kadibna khasaaruhu intaasi ka bato,

 64 total views,  1 views today