Daawo:Waraysi Kulul Wasiir Janan Oo Ka Hadlay Qaabkii Uga Baxay Xabsiga,

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur Xasan, (Janan) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu uga baxsaday xabsiga uu ugu xirnaa dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Janan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in markii uu ka baxsaday halka uu ku xirnaa uu saddex maalmood ku suganaa isla magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan doon ku tagin magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay been abuur yihiin eedeymaha loo heysto ee ay sheegtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira arrimo bani’aadanimo.

Ugu dambeyn wasiirka amniga Jubbaland ayaa eedeyn culus u jeediyey hay’adda xuquuqda aadana ee Amnesty International, wuxuuna sheegay in magaca hay’addaasi ay si qaldan u adeegsanayaan shaqsiyaad gacan saar la leh dowladda Soomaaliya.

 46 total views,  1 views today