War Deg Deg Ah::Maxaad Kala Socota Go aanka Deni Ku Dhawaqaayo Akhriso,

Kulan dheer oo qaatay saacado badan ayaa ka socda Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso, kaas oo ay leeyihiin Golaha Wasiiradda, Lataliyayaasha Madaxweynaha iyo Saaxiibadiisa gaarka ah oo ay uga wada hadlayaan arrimo badan oo kuwajahan dhanka Federaalka.

Kulanka waxaa daadihinaaya Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni kaaso goordhow Shaacin doona Go aan Ku kooban Xukumada U Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Sida ay Xogta ku heshay khaatumonews.com Madaxweynaha Puntland ayaa shaacin Doona in Aysan Puntland kamid Ahayn Xukumada U Hogaamiyo Farmaajo Islamarkaana Inta uu taladda Dalka Hayo Farmaajo aysan Puntland iyo Fadaraalku Yeelan Doonin wax xirir ah ama uksu Socod Ah iyo dhaqdhaqaaq siyasaded ah.

Shacabka Puntland Ayaa laga Mamnuucaya inay Ka hadlan arrimaha udhexeeya Fadaraalka iyo Puntland..

Go aamadan ku kooban Xukumada Madaxweyne Farmaajo inta uu taladda dalka hayo ayaa ah mid sii cakiraysa xaalada dalka soomaaliya waxaana mudo 30 sano kadib ah puntland ay lamid noqonasa Somaliland iyadoo ay Siifeyd mayaan rajadii dawlada soomaliyeed laga qabay islamarkaana waxaa 30 sano kadib sii koobmaya Dawladii Fadaraalka ee larabay inay Ku fido dalka

Jubaland ayaa iyana la filaya inay qaadato Go aankaasi lamid ah.

Wey adag tahay xaalku markuu halkaasi maraayo in ay si shaqayso dawlda soomaaliya wayna adag tahay In Doorasho iyo Isbadel dalkan ka dhaco sidoo kale waxa ka baxaya meesha kalsoonidii iyo Hankii Beesha caalamka.

Waxaase cad in xaalku marku halkaasi gaadho in Beesha caalamka ay khasab ku soo dhexgalayso arrimahan waana ta ay raban maamulada Puntland iyo Jubaland, in Beesha Calamku soo faro galiso arrimahan,

 41 total views,  1 views today