Shacabka Khaatumo Ku Jaah Wareeray Raga Geella leh Raga Dabayaal Kuwii Dabayaaley Ee Maanta Xamar Ka Degay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyey isimo ka tegay gobolada Sool iyo Ceyn.

Isimadan ayaa kala ahaa Ugaas Maxamuud Cabdullaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hadaba Isimadan lagu soodhaweeyey Xamar waxaa ku sasay oo ku jaah wareray Shacabka Khaatumo oo inta badan u arkay in Rajo ama dan reer Khaatumo ay u aaden Xamar.

Qaar kale oo u badan Guulwadayasha iska Sacabiya ee Reer Khatumo waxay aaminen in maamul u gaar ah dhulka SSC loo samaynaayo islamarkaana socdaalkaasi kamid yahay,

Hore Muqdisho waxaa u gaadhay isimo isugu jira kuwa Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u tagay arrimo ay ka mid yihiin dhameynta heshiis beelo walaalo ah ay horey ugu gaareen degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Hadaba Isimadan Sadexda ah ee Dhulbahante waxay u socdan inay Safka Sadexaad istaagan ee Qaadhan Ururinta Mashaqadii ka dhacday Koonfurta sool islamarkaana waxay utagen xamar inay Camerada ka soo muuqdan Marka Ay isimada Ogaaden iyo Majeeren Gurayan Qaadhanka Mashaqadii Koonfurta sool,

Xaalka Isimadan waa Raga geela leh raga dabayaal ayaanu dabanaal ee ninkii uqabay inay Farmaajo iyo Khayre kala hadlayaan maamul u gaar ah SSC ku quuso Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garad cali ayaa kala hadlay 2017 Khayre iyo Farmaajo inay aqoonsadan khaatumo Albaabka ayaana laga xidhay .

 47 total views,  1 views today