Sadex Sano Kadib Khayre iyo Farmaajo+Warbixin

Waxaa Caawa oo kale 8 Bisha labaad 2017 Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed cabdilaah Farmaajo.

Sadex sano ayay caawa ugu Buuxda xukumadda Madaxweyne Farmaajo waxaana u hadhay muddo Xileedkiisa wax ka yar Sanad,

Dawlada U Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo Caawa Waxaan Raba Inaan Dul istaago Maxay qabatay? maxayse qaban maxay kaloo soo kordhisay maxaase dib udhacay.?

Farmaajo markii uu Taladda Dalka qabtay Waxaa lagu doortay Dastuurkan qabyada ah walina waa qabyo mana jirto sadexda sano wax Dastuur ah oo la dhamaystiray ama somali iskaga timid.!

Xamar qarax ayaa ka socday Markii Farmaajo Hogaanka Dalka qabtay ilaa hadana waa socda walibana waxaa u dheer Bandow xamar Qaraxii socday.!

Bu’alle Alshabab ayaa haysatay Markii Farmaajo talada dalka qabtay Walina way haystan mana jirto meel ciidan qaran ka qabsaday alshabab!

Khilaafkii maamulada iyo Dawlada soomaaliya waa taagna markii Farmaajo talada dalka qabtay walina waa tagan yahay wuuba ka sii daray,!

Hadaan Intaas kaga imaado Xaalada aan isbadelka lahayn ee ka sii daraysa!

Taageerayaasha Dawlada oo in badan hada hoos udhacay waxay ku soo celceliyan marka la weydiiyo maxay qabatay Dawladu ?

.Daynba la Cafiyay Caalamka indha nagu haya,Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa loo dhiibay Madax yes man ah,Bandowga xamar waa Guul Ay dawladu Gaadhay.iyo Labiska khayre Oo ay inta badan Ku baahiyan Facebook,

Hadaan intaas ku soo koobo Ereyada Taageerayaasha dawlada Anna aan bal dib ugu jawaabo.

Marka Hore Dawlada somalia waxa la Aqoonsaday oo caalamku aqoonsaday indhahana ku soo eegay 60 sano ka hor 1960, maaha taasi mid ku timid sadexda sano ee Nabad iyo Nolol.

Waxaa igala macno weyn Indha caalamka iyadoo Gobol kamid ah Soomaaliya Nabad yahay oo Dawladnimo ka hana qaado,

Daynba la cafiyayna waxaa igala weyn Xaafad xamar kamid ah oo Shacabku nabad ku maran.

Galmudug iyo Koonfur galbeed oo lagu faano waxaa loo dhiibay Dad Dawladu keensatay hada Galmudug iyo Koonfur galbeed, waa labo Gobol oo somalia kamid oo inta badan dhulkooda ay haystan Alshabaab oo nabad iyo Amni ku yahay Cidhidhi islamarkaana u baahan samato bixin dhanka arrimaha bulshada ah taasna waxaa igala wacneed qarashka Qoor-qoor iyo Lafta gareen lagu saaray Kuraasta iyadoo ceelaal biyood iyo nabada beelaha dhulkaasi lagu bixiyo.

Khayre oo labisan oo Faceboox lagu Xayaysiisyo waxaa igala wacan isagoo Boodh iyo Dayac ka Muuqdo oo dalku u yahay nabad,

Ugu Danbayn Sadex sano kadib anigu guul uma arko weerarka maamulada iyo in la’aamino in xoog somali loogu dhalin karo dawlad ee waxaan aminsanahay in Dawladu ku imaan karto Rabitaanka Dadka soomaaliyed taaso ay cadayn kugu filan tahay 1960 hada xoog somali dawlad uguma dhalan gobolada dalkana la iskuguma tolin ee somali iyadaa Isutimid waxaanse u arka tan hada socota Sodon sanno kadib iyo qabiiladii soomaaliyed oo maamulllo xoogan haysta iyo Reerihii oo xoogan oo mar kale ceel-dheer ku ridaya Rajadii qalabay

Somali 1960 Iyada isutimid oo Dawlada dhisatay hadana iyado isu imaan karta oo dhashan karta ee ma aaminsani in Khayre iyo Farmaajo ugu dhisi karan Rabidoonkooda,

Khayre iyo Farmaajo waxaan u Hayna Sadex Sano kadib In aysan khilaaf Muuqda oo warbaahinta qabsada uusan dhexmarin,

W/Q Cartan Darwiish

 49 total views,  1 views today