War Deg Deh Ah:Axmed Madoobe iyo Kenya Oo Dhigay Qorshe Lama Filan Ku Noqday Madaxweyne Farmaajo Intu Ku Mashquul sana Gedo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Dawlada Kenya aya dajiyay Qorshe halis badan oo lama filaan ku noqday Madaxda Dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo kaashanaya dawlada kenya, ayaa qorsheeyay In Dagaal uu ku qabsado Caasimada Bu’aalle Islamarkaana maalmaha soo socda magaadaasi laga saaro Ururka Alshabab, oo mudo badan ka talinaayay deegaankasi.

Dawladaha Kenya iyo imaaraadka ayaa balan qaaday inay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya Hawlgalka Lagu qabanaayo Bu ‘alle.

Sidoo kale Puntland ayaa iyana qeyb ka ah Qabashada Bu’alle waxayna ciidamo u diraysa Gobolkaasi.

Qorshahan dawlada Fadaraalka soomaaliya waxaa u ku noqday dhabar jab kii ugu weynaa hadii ay suuro gasho in Bu’alle ay gacanta ugasho Axmed madoobe iyo Kenya,

Madaxweyne Farmaajo ayaa culays xoogan saaray inta badan in uu qabsado Gobolka Gedo, oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo laakiin hadii Kismaayo iyo Bu alle Axmed madoobe isku xidho oo ku gulaysto waxay noqonaysa Arrin ku ah dhabar jab dawlada U Hogaamiyo Farmaajo islamarkaana Qorshihii Gobolka Gedo waxaa u noqon-doona mid lamid ah Hal Bacaad lagu lisay.

Kismaayo iyo Deegaanada Ku Xeeran waxaa laga dareemaya Ciidamada ka amar qaata Axmed madoobe oo isku diyaarinaya Duulaanka Bu’alle

Sidoo kale Kenya ayaa iyana ciidamada Jubaland Ka caawin doonta dhanka Duqaynta cirka Ee Bu ‘alle iyo Dhaqaalaha ku baxaya Ciidamada.

Sida Qorshuhu yahay Bu’alle waxaa uu raba Axmed madoobe in uu dhawan ku Gaadho,

Isha Ku Hay Khaatumonews.com