Daawo::Heshiis Ay Gaadhen labada Maamul ee Beesha Goodax Barre, Koonfur Galbeed.Iyo W.waxbarashada,

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed.Galmudug iyo Hirshabele iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada Galmudug Hirshablle iyo Koonfur Galbeed.

Goodax Barre oo shirkan soo abaabulay ayaa sheegay In Maamulada Dalka Soomaaliya iyo Wasaarada waxbarashada soomaaliya ay ku heshiiyen In Imtixaanka Dawlada Laga wada qaado Dalka.

Goodax barre oo ay buuxisay Nacaybka xoogan uu uqabo Puntland ayaa garan waayay in uu shacabka soomaaliyeed kala xishoodo Beenta intaas leeg.

Wasiir Goodax Shirka usoo Ababulay waxaa fadhiya Laba maamul oo Beeshisa ah iyo hal maamul Oo Koonfur Galbeed ah waxaana ka maqan Puntlan somaliland iyo Jubaland,hadana waxaa u leeyahay wasarada iyo maamulada Dalka heshiiyay.

Waa Su alle Goodax Barre Soomaaliya Ma waxaa uu uyaqaan Gobolka Banaadir iyo labada maamul ee Beeshiisa maxaa ku kalifay in uu Beenta Intaas leg ka akhriyo Warbaahinta,

 54 total views,  1 views today