Gedo Waxay lamid tahay Sool oo Heshay Madaxweynaha Somalia.

Waxaa Mudooyinkan Aad u haysta Warbaahinta, soomaalida Dawlada soomaaliya oo Ciidamo ku guraysa Gobolka Gedo waxaadna maqlaysa Dawlada oo qabsatay Degmo hebla.

Qaarba sacabinaya laakiin xaalku sida ay moodayan maaha?

Waad eegaysa oo odhanaysa war degmada Tolow Ma al-shabaab ayaa laga qabsaday mise waa maye waa Degmo uu hore Maamul soomaaliyed uga talinaayay Islamarkaana Nabad iyo Amni ah oo Calanka qaran soomaaliyed Ka taagna.

Markan Isku celceliyay dheeli tirna ku sameeyay waxa ka socda Gedo waxay ku soo ururtay Dan Qabiil iyo Ka Faa’iidaysi laga Faa’iidaysanaayo Kursiga.Kadibna waxaan ogaaday in Aan Dawlad soomaaliyeed iyo Wax Dan Soomaali u ah oo loo sacabiyo aysan meeshaasi oo lin waa Gobolka Gade.

Sababto ah Gedo waa Gobol Soomaaliya kamid ah waxaana ka taliya maamulka Jubaland kana talinaayay mudo badan waxayna ahayd nabad kaliya qorshaha Madaxweyne Farmaajo ugu soo duulay ayaa ah In u Gobolka Ka saaro ama ka dhameeyo Siyaasadda Jubaland ama ogaadeniya islamarkaana uu ku maamullo Siyaasad ku kooban inta uu Kursiga Villa soomaaliya Hayo kadibna uga Faa’iideeyo Beeshiisa Awooda Dawlada iyo Tan dhaqaalle ee Dawlada soomaaliya.

Gedo waxay lamid tahay Gobolka sool oo helay Madaxweynaha soomaliya kadibna ka soo qaad Ninka Dhulbahante ee Sida Farmaajo ah madaxweyne Soomaaliyeed isago Sool ugu hiiliya Awoodda dawlada oo Markaasi ku dadaala in uu ka saaro sool maamulada Somaliland ama Puntland,

Soomaali Ma dan ayaa ugu Jirta In Farmaajo Gobolkiisa ka saaro Jubaland Mise Mareexan Ayay Deni ugu jirta?

Hadaba waxaan isweydiiyay Dhawr Su allood oo kala ah Ninka Reer Sool ee noqda Madaxweyne Soomaaliya sool wuu Ka saari kara Isaaq ama Majeerten laakiin Burco ama Garoowe Ma ka saari Karaa Majeerten ama isaaq oo maamul aysan raali ka ahayn ma U gayn kara?

Miyaan La odhan Karin Hadaba Gedo waa sool.Kismaayana Waa Burco ama Garoowe.

Xaalku marku halkaasi maraayo waxa Isweydiin mudan Gedo waxa ka socda ma dan soomaaliyed iyo Dawlad Loo riyaaqa Ka muuqata mise Nin Qabiilkiisa uga Faa’iideynaya Jaaniska Kursiga?

Maanta waxaa loo sacabin lahaa Oo Loo Arkilaha Rajo soomaaliyeed Iyadoo u Farmaajo Gulufka iyo Colaada Siyaasadeysan ee u Gobolkiisa galinaayo in uu galiyo Gobolka Ay Maamulan Raga Dagaalka Cad kula jira ee La Baxay AL-shabaab ee Bu’alle,?

Ugu Danbayn waxaan qoraalkayga ku soo xidhaya Mustaqbalka Gedo muxuu noqonaya Hadii Madaxweyne Farmaajo Soo laaban waayo ilee Gobol Lagu guray Ciidan xamar Diyaarad looga keenay ama qabiil la hubeeyay waad garan kartan waa labo mid uun ayay noqonaysa Xaalada Mustaqbalka dhow ee Gobolka Gedo In Hubka Farmaajo Gobolka galiyay ay Is isku xasuuqan Beesha Mareexan oo Siyaasadaha Fadaraalka ama Alshabaab ama Jubaland kala Taabacsan iyo in Gobolku lamid noqdo Bu allaha Ay ka taliso Alshabab,

Halkan Kala Xiriir Khaatumonews What’s Appka +46735769421

 44 total views,  1 views today