Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa goor dhaweyd gaaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sida ay shaacisay Jubaland.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Maamulka iyo Bulshada Beled-xaawo, ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas, waxaana la filaya in uu mar dhow la hadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii ay dowladda Federaalka ugu geysatay magaalada Muqdisho.
Wasiir Janan, ayaa 31 bishii January ee la soo dhaafay, waxa uu gaaray magaalada Kismaayo, kadib markii uu 28 isla bishaasi ka soo baxsaday xabsi ay mudda 5 bilood ah ku haysay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa saacado kooban oo uu joogay magaalada Kismaayo, waxa uu uga sii gudbay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, halkaasi oo uu maalmahan ku sugnaa.
Si Kastaba ha Ahaate Socdaalkan uu Gedo ku tagay Wasiir janan aya imanaya xili Dawlada Soomaaliya Maanta ka codsatay In Booliska Caalamku ee Interpol usoo gacan galiyan Janan sidoo kalana ay shalay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International iyana codsatay in Janan La soo qabto.
