Madaxweyne Farmaajo Iyo Abiy Axmed Oo Ku Heshiiyay Gobolka Cayn Lagu Wareejiyo Somaliland,

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa Ku Heshiiyay qorshe lagu maja Xabinaayo Deegaanka SSC,

27-ka Jannaayo, 2020. Madaxda dalalka iyo dowladaha Eritrea, Ethiopia, iyo Somalia ayaa magaalada Asmara ku kulmay waxaa kulan kaasi ahaa mid si gaar ah ay Itoobiya iyo Soomaaliya ugu dajiyen qorshayaal dhagaraysan oo ka dhan ah Deegaanka SSC Balse ay u arken Maslaxad iyaga gaar u ah,

Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxaa uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in Dawlada Soomaaliya Ay qeyb ka qaadato sidii maamulka Somaliland ula wareegilaha Buuhoodle, wuxuuna intaas ku daray Abiy Axmed, in Xuduudka Buuhoodle ee Itoobiya u halis ugu jiro inay ka Abuurman Alshabaab iyo Daacish sida daraaded waa in Somaliland lagu Wareejiya,

December 10, 2019 Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Itoobiya ayaa shir ku yeeshay magaalada Diridhaba ee Dalka Itoobiya waxayna shirkaasi sarakiisha Somaliland oo Nuux Taani, Hogaaminaayay Itoobiya ku war galiyen in Alshabaab Ka samaysantay Buuhoodle, Islamatkaana Xuduudkaasi halis ku yahay Itoobiya iyo Somaliland, khatartaasina ay meesha ka baxayso marka Somaliland, lagu gacan siiyo in Ay Buuhoodle La wareegto,

Ka hor intaysan Itoobiya Kala hadal Xaalada Cayn Dawlada soomaaliya, waxay u yeedhay Itoobiya Xubno uu kamid yahay wasiirka amniga Puntland Dhaban-cad, kuwaaso kula shiray Saraakiil Itoobiyan ah Deegaanka Wardheer ee Dawlad Deegaanka soomaalida Itoobiya iyadoo Saraakiisha Itoobiya, ka codsaden Weftiga Wasiir Dhaban-cad, in Puntland ka baxdo Buuhoodle kuna wareejiso Somaliland Balse taas wey isku fahmi waayen Saraakiisha itoobiya iyo Weftiga Puntland.

Madaxweyen Farmaajo aya codsigan Ka yimid Itoobiya soo dhaweeyey Sheegayna inay Ku taageeri Doonaan Siyaasad Ahaan iyo Dhaqaalle ahaan Somaliland, in Buuhoodle Lagu Wareejiyo wuxuuna taas Badalkeeda codsaday madaxweyne Farmaajo, kana codsaday itoobiya in Gobolka Gedo Gaar ahaan Deegaanada maamulka Axmed Madoobe, ka taliya in gacan lagu siiyo in uu Kala wareego Ka hor intaan dalka Doorasho Ka dhicin waxaana taasi la qaatay Abiy Axmed oo sheegay in u gacan ku siin doono.

Farmaajo iyo Xukumadiisa wax Dan Ahi uguma jiran In Buuhoodle Ay siyaasad ahaan sheegato Puntland, Laakiin waxay Dani ugu jirta In uu Fuliyo Amarka Itoobiyada hiil iyo Hooba la garab taagan.

Siyaasada Dawlada Madaxweyne Farmaajo ayaa ah In Meesha laga Saaro maamulada kadib Dalka soomaaliya U Noqdo Labo Gobol oo midna Yahay Waqooyi oo Somaliland Xukunto Midna yahay Koonfur oo Dawladiisu ka taliso.

 56 total views,  1 views today