Dhawaan Waxaa Baraha Bulshada Ku Baahiyay qoraal Husen Kaneeco oo kamid ah Qurba Joogta SSC Kaaso qoraalkaasi uga hadlay Arrimo badan islamarkaana waxaa kamid ahaa Dadka qoraalkaas Lagu Soo bandhigay Cali Dhagjar oo ah Wariye ka hawl gala Buuhoodle.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dhagjar caawo Ayaa Isna ka fal caliyay qoraalkii Husen Kaneeco ee Lagu Duray.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Cali Dhagjar
Waxaa Bulshada La Wadaagayaa Qoraalkani.
Jimce Wanaagsan Mudanayaal iyo Marwooyin.
Waxaan Caawa oo jimce ah ila Wadaagaya inaan Ka hadlay oo facebookga ku Daabaco Qoraal been abuur ah oo Beriyahani La Waday iyo Qaabkii Wax u dhaceen.
Maaha Qofku inuu Qof kale been ama Comenti aadan hubsan aad wax kaga sheegto.
Waxaa Dalka Maraykanka igala soo Xiriiray Husen Kaneeco Waxaana uu ii sheegay in Dalkaasi kulamo uu kala yeeshay Raisal Wasaare Xasan Cali khayre oo uu kala hadlay Dhismaha Garoomada Buuhodle iyo Taleex oo baahi loo Qabo in La dhiso.
Mudo kadib Waxaa Magaalada gaalkacyo yimid Wafti uu hogaaminayo Raisal Wasaare Xasan Cali khayre oo Halkaasi Kaga dhawaaqay gaalkacyo lacag Lagu dhisayo garoonka Kubada cagta ee gaalkacyo.
Kadib Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku Laabtay waftigii Xasan Cali Khayre oo Halkaasi ka bilaabay kulamadii Hanaanka geedi socodka galmudug loo dhan yahay.
2 Maalin Kadib Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka Anba baxay Waxgarad iyo aqoonyahano reer Buuhoodle ah kuwaasi oo gaadhay Dhuusamareeb oo Qorshahoodu ahaa inay Kala hadlaan Xasan Cali khayre Baahiyada Ka Jira Buuhoodle sida Dhismaha Isbitaalka Buuhoodle Garoonka Kubada Cagta iyo Dhismaha Jidadka.
Maalin Kadib Waxaa isoo wacay Huseen kaneeco Waxana uu igu war galiye inaan dhalinyaro aruuriyo oo Canbaarayno waxgaradka Buuhoodle oo uu sheegay inay lacago ka doonteen Balse aanay wadin Danta deegaanka waxgaradkaasi isla Markaana tvga ay ka hadlaan o kharashkiisa isagu bixinayo oo dhan 100$
Anigu waxaan Qaatay go.aan inaana waxgaradka deegaankayga aana dhaafsan Lacag ee aan ka War sugno jawaabta iyo Kulamada ay leeyihiin Xasan Cali Khayre.
Kadib Waa isoo wacay Waxana u sheegay inaana Barmaamijkaasi fulin karin” Waxaa uu iigu jawaabay sirtii ayaad iga faafisay oo mashruucii ayaad iga Bur Burisay”
Gabo gabadii Mudanayaal Dawlada somalia Waxaan ku leeyahay Xildhibaano Wasiiro iyi agaasimayaal iyaga ayaana Masuul ka ah inay Madaxda Kala hadlaan xaquuqda Deegaanada sool sanaag iyo cayn.
Waxaa Hada ugu danbeeye barmaamijka lagu maalgalinayo dhalinyarada somaliyeed oo aan Gobolada sool sanaag iyo Cayn 1 qof kaga jirin Kuwaasima ma aniga ayaa ka reebay.
Waxaan kaloo halkani caawa Ka cadaynayaa inaan haysto Maalinta ilaahay agtiisa la taagan yahay kuwii beenta iga faafiye iyo kuwii Cometiga dhiibtayba..
Anigu Buuhoodle waan ku dhashay waana kunoolahay” Waana Ku ilmo Korsaday aniga ayaa jecel horumarkeeda iyo Nabadeeda.
Waxaan Buuhoodle ka soo shaqeeye Xiliyo Kala duwan oo dadku aanay saxaafada aqoon fiican ka haysan iyo wararka La duubo” Maanta Waxaan ku jirnaa magaalooyinka wararkooda iyo Barmaamijyadooda La Xiisaynayo.
Waxaan Kamid ahay wariyaashii Lagu Bilaabay radio Buuhoodle ee uu keenay Jamal Xaaji Cali iyo abdifatax Geedeeye oo ahayd idaacadii Ugu horaysay” oo agaasime ka ahaa Macalinkaygii Xuseen Kurdi.
Waxaan Kaloo Xiligaasi deegaanka aan ku Xidhay Radio SBC 2003 oo fadhigeedu uu Boosaaso ahaa oo agaasime ka ahaa Macalinkaygii saxaafada Mowliid Xaaji Abdi oo hada BBC Tv ka shaqeeya.
Caawa intaasi ayaan ku soo Koobayaa warbixinta.
