War Deg Deg Ah:Wasiir Jubaland ah Oo Iscasilay Markii Janan Soo Galay Kismaayo.

 Wasiirkii Qorshaynta Jubbaland Adam Aw- Xirsi ayaa xilka iska casilay. Qoraalkan hoose ayuuna ku micnaynayaa sababta.

Waxaana Qoraalka Wasiirkan Iscasilay Ka muuqda Sida uu uga xun yahay in Kismaayo ay ka dhacan Dabaaldagyo lagu soodhaweynaayo wasiir Janan oo Maanta Soo gaadhey.

“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland.

Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga.

Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”.

 53 total views,  1 views today