DAAWO:Siyaasiyiinta Daarood Iyo Dawladaha Kenya iyo Imaaraadka Oo Qorshe Halis Badan Ka wada Nairobi!

Nairobi{ Khaatumonews }Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ka socda Shir balaadhan oo ay dabada ka riixayan Wadamo caalami ah sida Imaaraadka Kenya ,

Sidoo kale Shirkan waxaa Gadhwadeen ka ah Siyaasiyiinta Beesha Daarood Gaar ahaan Siyaasiyiinta Labada maamul Ee Daarood Jubaland iyo Puntland.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin Culus oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamulada Jubaland Iyo puntland,.Madaxweyne Hore C/wali gaas .Raysal wasaare hore Cumar cabdirashiid iyo Siyaasiyiin badan oo halkan aan lagu soo koobi karin.

Isbahaysigan waxaa maalgalinaya Dalalka kenya iyo Imaaraadka oo qorshaha ugu weyn ee looga danleeyahay uu yahay in mudada sanadka ka yar ee xukumadda Farmaajo u hadhay lagu mudo xukumada U Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo irbad Fooliso ah kadibna saas looga Taqaluso Xukumada Nabad iyo Nolol si aysan saaxada siyaasadda Soomaaliya ee dhamaadka 2020 ugu yeelan wax miisan ah,

Dhanka kale Siyaasiyiinta hawiye oo ay Hormuud u yihiin Madaxweynayaal hore xasan Sheekh maxamud iyo Sheekh shariif Ayaa iyana wada olole ka dhan ah Xukumada Madaxweyne Farmaajo oo Hawiyeysan

Si Kastaba ha ahaate Dawlada u hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaysa Culays wajiyo badan leh oo iskugu jira Mid Isbahaysi Qabileed ah mid Isbahaysi siyaasadeed iyo mid ah isbahaysi maamul,

 53 total views,  1 views today