Kulan Dhexmaray Khayre iyo Ahlu Sunna

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo inta badan Ahlu Sunna uga wakiil ah dhinaca dowladda, marka ay noqoto in lala hadlo hoggaanka sare ee ururkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay waxyaabaha lagu baajin karo diidamada ka soo yeertay Ahlu Sunna ee ku aadan dhismaha loogu jiro Galmudug mid ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahaya ayaaa inoo xaqiijiyey in inta uu socday kulanka khadka taleefanka ay ku wada hadleenb hoggaamiyaha guud ee Ahlu SUnna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo sidoo kale ra’iisul wasaare khayre, iyaga oo isla garfeeyey sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa lahaaa khliaafka ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo marar badan dib ugu laabtay deegaanada Galmudug ayaa haatan wado dadaalladii ugu dambeeyey oo xal raadin ah.

Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo ka dhashay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulkaasi

 43 total views,  1 views today