DEG-DEG: Dhacdo Naxdin Leh Oo Lasoo Deristay Xaflad Aroos Oo Xalay Ka Socotay Gaalkacayo.

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacayo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyootay Gabar la sheegay in ay Aroos ka ciyaareysay.

Si kedis ah ayayna ugu geeriyootay goobtii Xafladda Aroosku ka socday, waxaana gabadhani ay ka mid aheyd Dadkii Arooska ka dheelaayay.

Dadka qaar ayaa sheegay in Meesha oo aad u kululeed ay sababtay in Wadnaha Xanuun uu kasoo wajahay, ama Istaagay Maadaama ay uur Laheed, ka dibna sidaas ay u geeriyootay.

Waa fal argagax leh oo ka dhacay Munaasabad Ay goob joog ahaayeen Dad aad u faraxsan oo isugu yimid Munaasabada Arooska oo Galkacyo ka dhacaysay

ilaahow Qaatumada inoo Hagaaji.

 41 total views,  1 views today