Khiyaanadiii Buuhoodle (Qeybtii 1aad)

Shabakada wararka Khaatumonews.com waxay halkan idiin kusoo Bandhigaysa Xog iyO Sir Culus uu kashifay Muwaadin reer Khaatumo ah oo Isku Dayay in Deegaano kamid ah Gobolada SSC ay helan Mashaariicda ay Bixiso Dawlada Fadaraalka soomaaliya.

Muwaadinku waa Xuseen Aadan Kaneec wuxuuna Qoraal Taxanne ah qeybtiisa koobad ku Fashilin Doona Arrimo badan.

Hoos Ka Akhriso qoraalka qeybat Koobaad oo u Hordhac uga dhigay Khiyaanadii Buuhoodle,

Dhowr maalin ka hor, waa anigii idin balaaqaday inaan idin soo gudbiyo waxa ka jira khiyaanadda Buuhoodle, waan ka xumahay waan la daahay, sababtuna waa inay iga codsadeen dad badan oo damcay inay howshaan xaliyaan, mashruuciina lafuliyo, nasiib darro sidii iyo si kadaran ayuu arinkii ku socdaa. Fulinta mashruuucii Buuhoodle iyo la’aantiisba, waxa aan doonayaa inay dadka degaanka SSC xog helaan, update ahaadaan, ogaadaan xaqooda, howshanna fahmaan.

Khiyaanadii Buuhoodle.

Waxa ay ahayd bishii April ee 2019 markii dad ka socda xafiiska reysul wasaaraha ay maraykanka yimaadeen, waxa aan ka codsaday inaan is aragno, xogta hoose ee dalka, iyo fursadaha jira bal inaan iska waraysano.

Waxa ay noo sheegeen in horumar balaaran uu dalka ka socdo, meelo badana mashaariic laga fulin doono, wax ay noo sheegeen in laba laba magaalo la isku raaciyo, qofba taluu ku darsaday, aniga waxa aan maanka ku haayey deegaan Soomaaliyeed oo baylah ah, oo ka haray Soomaliyada cusub, waxa aan talo ahaan ku bixiyey in lagu daro mashaariicdaa deegaanka Khaatumo, gaar ahaan laba magaallo oo aad u dayacan, dadkooduna uu sabray mudda dheer, labadaas magaallo ha ugu horeeyaan Buuhoodle iyo Taleex.

Taladaydii aad bay ugu boggeen, waxa la isku raacay in deegaankaas dayacan yahay, sidaa daraadeed waxa aan helay soo jiidasho weyn, maalin kale ayey si gooni ah iigu yeereen oo ay iga waraysteen ammaanka goobta, bulshada deegaanka iyo saamilayda siyaasadda.

Xamar bay ku laabteen, usbuuc kadib gabar baa isoo wacday oo ii sheegtay in Reysul wasaaruhu arinkaa xiisaynaayo, uuna rabo inuu saameen ku yeesho deegaankaas, waxna ka qabto baahiyaha jira, laakiin maadaama uu deegaanku xasaasi yahay inaan laba magaalo hal mar la abaari karin, oo kaliya uu rabo in Buuhoodle lagu tijaabiyo qorshe dhowr mashruuc ah, anigana wuu ila qumanaaaday.

Muddo ayaan daba socday arinka, isku dhicii Puntland iyo Federaalka ayaa sameen nagu yeeshay, qaraxyo dhacay iyo kacdoomo Xamar ka socday ayaa sababay inaaan waayo xiriirkooda, safarkii badnaa ee Reysul wasaarahana xafiiskiisa samaeen buu ku yeeshay, sidaa daraadeed barnaamijkii waxa buu u ekaaday wax aan markaa soconeen.
Dad badan oo wax ku ool ah oo aan wacay ayaa u caal waayey, waan ka quustay howshaas, halkaasayna ku fashilantay.

Mudda kadib, waa tii reysul wasaaraha deegaano badan tagay oo ugu yaboohay garoomo ciyaareed, waxa aan ka dhex arkay halkaa fursad kale, gabadhii xafiiska Pm khayre ayaan wacay, oo aan u sheegay in howshii hore ay waxba ka qaban waayeen, bal in garoonka kubadda cabga ee Buuhoodle ay ku daraaan qorshaha, waxa ay ii balan qaaday inay dadaalayso intii tabarteeda ah, laakiin uu reysul wasaaruhu tagayo Dhuusamareeb oo haddii dhalinyaro reer Buuhoodle halkaa iman karaan ay fiicnaan lahayd.

Markiiba waxa igu soo dhacday yaa Buuhoodle kala yaqaan hee, yaa masaaye hee xarfaantaas? Lol, nin aan Facebook ku saaxiibnay oo wariye ah, oo layiraahdo Cali Dhagjar ayaan wacay, arimo ku saabsan dantiisa ayuu aad uga dheeraaday, waxa aan ku iri saaxiib waxaas mar danbe nooga dhig, aniga howshaan waqti iyo howl baa iiga baxaysee aan danta guud xoogga saarno.

Waxa aan ka codsaday inuu diyaariyo dhalinyaro macquul ah oo Dhuusameeb aada, waxa uu i waydiiyey qarashkooda, waxa aan u sheegay inaan aniga bixinaayo, howshanna ay xasaasi tahay aan cid kasta loo sheegi karayn, waxa uu igu yiri lacagtii jiscinkooda soo dir, waxa aan ku iri dhallinyaradii keen, howsha gal, kadibna igu soo war celi, waxa uu ii sheegay in loo baahan yahay $100 oo deg deg ah oo dhalinta lagu kulansiiyo, shaahna loogu shubo, (eeg sawirka afaraad ee risiidka lacagta iyo taariikhda)

Nasiib darro Cali markii baa igu danbaysay, waxa aan wacay 100 jeer ka badan, waxa aan u diray fariimo aad u tiro badan, Cali waxa uu igu soo jawabaay qosol iyo jeesjees. Shakibaa itaabtay, waxa aan xaqiiqsaday inay wax qaldan yihiin, waana ka shalaayey in boqolkii la iga dhacay maaha, in xog weyn iga baxsatay oo Soomaliya sidaan ogahay wixii suuqa galaan ay fashilmaan.

Maamo kadib, Cali waxa uu facebooka ku soo faafiyey qoraalo uu leeyahay Reysul wasaaroow garoonka noo dhis, yaaaa!! dhalinyaro ayuu soo ku soo kuciyey Facebooka oo faafinaayo qoraal meeluu ka socdo aan fahmi waayey,, qoraaladaas waxa loo diray Wariye Cali muumin oo isna faafiyey, Wariye Cali Dhagjar waxa aan ka codsay inuu isaga howsha wado, xiriirna aan unsamaynaayo, laakiin uu carqalada naga daayo, Cali fariintayda intuu akhriyey ayuuna isoo jawaabin.

Gabadhii xafiiska reysul wasaaraha ayaa isoo wacday oo iii sheegtay inay Facebook qoraalo ku soo aragtay, ayna habooneen in xogtii aan laga hordhicin, waxa aan u sheegay inaan nin aanan si wanagsan u aqoon uu i wanhalay, sidaa daraadeed aan aniga qaldamay, ayna iga war sugto bal inta jawigoodu dagaayo.

Muddo dhowr casho ah oo aan barnamaijka suuxinay kadib, waxa aan is helnay rag macquul ah oo howshan dhaqaajin kara, waa saaxiibaday Mohamed Waddani, Shiine Aadan iyo Saahil Kaneec oo dhalinayro Buuhoodle ka abaabulay, Gaalkacyana keenay, si ay Dhuusmareeb u wajahaan oo uu khayre markaa joogo, waxa loo baahday qof dhalinyaradan magaaladaas ku soo dhoweeya, una fududeysa inay Khayre Dhuusmareeb kula kulmaan? Yaa Dhuusmareeb kuu kasaaye hee!!
Waxa aan soo ogaaday nin aan saaxiibo ahayn, isku schoolna ahayn, howlwadeenada gobolka Banaaidrna kamid ah inuu magaaladda joogo, khayrana isku fiican yihiin, waaa Mohamed Ahmed Cantoobo, fariinbaaan u diray (eeg sawirka shanaad ) nasiib darro iigama soo jawaabin……..

Qeybtii labaad iyo barito Insha Allah.
Lasoco Dhuusamareeb iyo odoyaaal Garoowe ka yimid.
Dhallintii iyo Khayre maxaa kala qabsaday?
Faragellintii Wasiir Bidhaan?
Dacwadeeniii Xamar!
Qiimeyntii garoonka Buuhoodle ee Xabado.
$100,000 baan ogalnahay iyo maya.
Fara gelintiii Puntland!

 63 total views,  1 views today