Dhawaan Baraha Bulshada waxaa kasoo muuqday Hooyo Qurba joog ah oo gabadh yar ay dhashay u keentay Dalkeeda somalia inay Ku dhaqan celiso kadib waxay hooyadaasi sheegtay in Gabadheeda laga Afduubtay goob Waxbarasho oo ay dhaqan celin ugu jirtay islamarkaana ciidamo madaxtooyadda kamid ahi afduubten.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Muqaalka Hooyadaasi waxaa u cadho galiyay madaxtooyadda soomaaliya iyagoo islamarkiiba uga jawaabay si kale sheegayna in Amaal nuur cismaan ay is Keed ubaxsatay islamarkaana ay ku raad joogan.

isla muddo yar kadib taliska Booliska soomaaliya waxaa usheegay inay hayaan Amaal Nuur cismaan iyadoo nabad qabta.

Caawa waxaan daawaday Amaal Nuur cismaan oo la fadhida taliye ku xigeenka Booliska soomaaliya iyo safiirka Denmark ufadhiya soomaaliya oo laga dubaayo muqaal ay ku leedahay anaa is kay ubaxsaday hadana u raba in aan ku laabto Denmark

waxaan aad uga xumaaday in dawlada soomaaliya iyadoo ka aargoosana Hooyada Dhashay Amaal Eeddi ay ku eedaysay ciidanka madaxtooyadda ,

in Amaal oo ah gabadh yar oo waliba dhaqan celis dalkeeda loo keenay oo diin Ahaan iyo caqli ahaan aan isku filneen iyado waalidkeed joogo xamar wax war ahna uusan ka hayn in loo safriyo Demnar.k

Amaal waxay Haysata Dhalashada Denmark laakiin arinka naxdinta leh ayaa ah Amaal Dalka Denmark isku diin maaha oo isku dhaqan maaha oo walidkeed ma joogan waa maxay sababta dawladu ugu Tahriibisay gabadh yar oo aan masuul iska ahayn wadan looga keenay dhaqan xumo iyo in ay halis gasho diinteedu iyo dhaqankeedu.

Masiibo ka weyn garan mayno tan kaba daran dhiibistii qalbi dhagax!!

Laakin sida iga muuqata Dawlada ama inta arrinkan ka shaqaysay waxaa ka muuqata diin la aan naxariis la aan waxayna hodhow ku doodi doonan iyada dalbatay in lagu caliyo Denmark.

Hada ogow Amaal waa Gabadh yar oo oo Somali ah oo Waalidkeedna xamar u keenay Cabsi ay ka qaben inay Halis Gasho Diinteedu iyo dhaqankeedu islamarkaana aan iska masuul ahayn,