Daawo::Beesha Daarood Oo Fulinaysa Balantii Ay Ka Qaaden Dhulbahante

Waxaa maanta si diiran loogu dhoweeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland wafti uu hogaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamid ah isimadda dhaqanka dowlad Deegaanka soomaalida Itoobiya ee Soomaali State,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool iyo waftigiisa oo safarkoodu salka ku hayo sidii Maamulada Puntland Jubaland iyo Somali State ay u bixin lahaayen Magta in ka badan 100 Ruux oo Ku Dhintay Dagaaladii Koonfurta Sool ee dhexmaray Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame ee Dhulbahante oo Beesha Daarood dusha saaratay Bixinta Magtaasi si nabad loogu soo dhameeyo Colaada,

Beesha Daarood Gaar ahaan Sadexda Maamul ee kala ah Puntland Jubaland iyo Somali State ayaa hore dusha u saartay inay Bixinayaan Magtaasi kana dulqaadayan Beelaha Si xal looga gaadho Xiisada Colaadeed islamarkaana Beelahaasi oo mudo badan Dagalamaayay dad badana ku kala dhinten looga qaado culayska Magta.

Garaadka iyo Weftigiisa ayaa hada Garoowe u jooga inay Ka soo qaadan Puntland Wixii kaga soo hagaagay Dhaqaalaha Magta iyadoo Ay wax yar ka hadhsan tahay Wakhtigii loo Balamay in lagu kala qaato Magtaasi.

Weftiga Garaad Kulmiye ayaa sidoo kale u Sii Gudbi doona Caasimada Jubaland ee Kismaayo,

KHAATUMONEWS.COM

 44 total views,  1 views today