Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq,

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ku cadaadiyay in uu Iscasilo Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo kamid ahaa xubnihii lix Bilood ka hor u magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Wadahadalka maamulka Beesha Isaaq iyo Dawlada Fadaraalka soomaaliya,

Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay hadal cadho galiyay Beesha isaaq kaaso ahaa in xasuuqii Somaliland loo gaystay uu sax ahaa,

Hadalka Ka Soo yeedhay Danjire Guulwade, Ayaa sabab u noqday in Madaxweyne Farmaajo ku raali galiyo Beesha SNM in Xubintaasi uu xilka ka qaadayo iyado u maantana xilka ka qaaday.

Bogga Madaxtooyadda Farmaajo ayaa lagu soo daabacay qoraal lagu raali galinaayo Beesha Isaaq, islamarkaana lagu siinaayo Taariikh aysan asal u lahayn oo lagu sheegaayo inay ahaayen dadkii dhiiga iyo maalkaba u huray Gobanimo Udirir-kii Gobolada Waqooyi Ee Lagula diriray Ingiiiska.

Taariikh-da Daraawish oo aysan Cid soomaali ahi la wadaagimDadka SSC dhanka Halganka Naf hurnimada. ayaa Kooxda Villa soomaaliya dusha usaartay kuwii Basaasiinta uhaa Ingiriiska ee la safna Guumaystaha

Sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah waxba yaanay iba tarine Kooxda Villa soomaaliya sida ay u luminayaan Halgankii Darawiish-ta

Waxa Xasuus Mudan in Taliska Farmaajo aysan Maalina Ka xuman kana guban Cabudhinta Dulmiga iyo Weerarka Joogtada Ah ee Maamulka Somaliland ku hayo Gobolada SSC uguna hayo soomaali weyn ayaad Rabtan,

Halkan Hoose ka Akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Farmaajo ee lagu suuba salaxaayo Gooni soodka Isaaq,

DANJIRE GUULWADE OO LAGA AQBALAY IS-CASILAADIISA XUBINNIMADA GUDDIGA WADAHADALLADA DFS IYO SOMALILAND

Muqdisho, Jan 22, 2020: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

 39 total views,  1 views today