War Deg Deg Ah:Garoowe Oo lagu Wareejiyay Amniga Ciidan Gaar Ah.

Maamulka gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in Amniga caasimadda Garoowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, islamarkaan lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland.

Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska gobolka Nugaal ay ku socoto dib u-habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo Amniga caasimadda mudada ay dib u-habayntaasi socoto.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyay in kantaroollada Garoowe si deg deg ah loogu raro goobaha loo asteeyay, Booliiskii joogay kantaroolladana lagu beddelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo ciidanka madaxtooyada.

Waxa kale oo guddigu amray in lala dagaallamo dadka amni-darrada ka wada gudaha caasimadda, gaar ahanna kuwa soo geliyaya maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo sidoo kale dadka soo geliya hubka sharci-darrada ah.

 50 total views,  1 views today