Miyaad Kululaatay Raysal Wasaare?

Xasan Cali Kheyre oo hakiyay mashaariic laga reebay degaanada Beelaha Hawiye.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar lagu hakinayo Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

Heshiiskan la kala saxiixday ayaa waxaa uu ka kacayay 112 malyan oo dollar taasoo min 28 malyan oo dollar ay u kala heli lahaayeen magaalooyinka Muqdisho,Garowe,Baydhabo iyo Kismaayo.

Hase yeeshee heshiiskan la kala saxiixday ayaan ku jirin Degaanada Beelaha Hawiye Hirshabelle iyo Galmudug.

Khayre marna ugama hadlin cunaqabtaynta Dhaqaale ee lagu hayo gobolada Sanaag iyo Sool

Raysal wasaare khayre oo Heshiiskan sida uu u dhacay Raali ku ahaa markii hore wuxuu ka kululaaday oo ka damqaday Codsiyadda uga yimid Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta hawiye ee ay ku doonayan Saamiga Gobolada Hawiye.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la aaminsan yahay in uu mashruucan horumarineed siyaasadaynayo, isagoo qancinaya Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka soo jeedo, sidoo kale ka leeyahay dano siyaasadeed 2020-2021.

Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya ayaa mashruucan bilowgiisii kala saxiixday 2014, xiligaas oo aysan jiran Galmudug iyo Hirshabeelle.

Yaa u maqan Yaase u Doodaya Gobolada SSC?

 44 total views,  1 views today