Shacabka Dhulbahante Maxay Ku Helen Sacabkii Ay 3 sanno ladaba Joogen Khayre iyo Farmaajo,

Dalka soomaaliya tan iyo Burburkii ilaa Ka hor soomaali waxay ahaayen Dad Qabiilo ah oo Saami iyo Waxwada Qeybsi ku wada noola.

Beesha ama Qabiilka aan iska dhex arag siyaasadda dalka soomaaliya waxay sababtay in dawladii ugu xooga weynayd ee dalka ay u burburto reero Iska dhex arki waayay Saaxadda siyaasada dalka.

Gobolada SSC ilaa dawladii Kacaanka ilaa maanta 2020 Dadka ku nool gobolada SSC waxay ahaayen kuwo Dan la aan iska sacanibaya.

Qoraalkan waxaan usoo qaatay oo igu kalifay markan arkay maanta mashaariic Wasiirka Maaliyadda soomaaliya shaaciyay in loo qoondeeyay Magaalooyinka Baydhabo.Xamar Garoowe kismaayo taaso ay sas ka qaaden Beelaha Hawiye oo ka dhex waayay Labadii maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug,

Raysal wasaare khayre oo labada maamul ku matala Kursiga 4,5 ayaa Fiito Baawar ku joojiyay mashaariicda si ay jaanis ugu helan gobolada hawiye in ay saamigooda soo dhacsadan.

Hadaba waxan is weydiiyay Tolow Marka Axmed Madoobe iyo Deni oo Dawlada Ku ah Laf dhuun gashay Iyagoo iskaga laydhsanaya Boosaso loo Qoondeeyay lacagta Ee Hadana Masuulkii Dalka ugu sareeyay ee Khayre U Hakiyay Beeshiisa In ay Helan Samogooda Mashaariicdii Wasiirkiisu Saxeexay Maxaa u Talo ah Shacabka SSC, Muxuuse u gooyay sacabkii Sadexda sano Ay ladaba socden Farmaajo iyo Khayre

Shacabka SSC waa kuwa ugu badan ee gar iyo gardaraba sacabka ladaba taagan Xukumada Nabad iyo nolol hadana Majirto Faa’iido ama Hal mashruuc oo Ka soo gala Xamar deegaankoodo halka kuwa Mucaaridka ku ahna si Joogto ah ay u naas nuujiyan Khayre iyo Farmaajo,

Ugu Danbayn waxaan Leeyahay oo hadalkeyga kusoo Xidhaya Dhulbahante ka iskadaaya Sacabka Dan’la aanta ah,,

 45 total views,  1 views today