Ciidanka Jubaland Iyo Kuwa Dawlada Oo La Wareegay Deegaano hor leh,

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa ku sii qul qulaya nawaaxiga degmada Jamaame,iyagoo goobo hor leh kala wareegay Ururka Al-Shabaab .

Ciidamada Xoogga ayaa la wareegay fariisimo argagixisadu ay ku dhibaateyn jirtay shacabka,waxayna dileen horjoogeyaal iyo Ciidamo badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Korneyl Idiris Kuusow Sheikh Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka dul qaadeen shacabkii ay dhibaatada ku hayeen.

Wixii soo Kordha la soco Khaatumonews.com

 40 total views,  1 views today