Faysal Cali Waraabe Oo Ku War Galiyay Cali khalif Galaydh Arrin Yaab leh,

Waxaa muddo haatan sadex sano iyo dheeraad ah Magaalada Hargaysa, ku sugna Madaxweynihii hore khaatumo Dr Cali khaliif Galaydh, iyo xubno kamid ah maamulkii hore Khaatumo ee u fakatay Hargaysa.

Cali khalif Galaydh iyo xubna la socda ayaa muddo badan kadaba wareegaayay Taliska Muuse Biixi si uu u hirgaliyo wax loogu yeedhay Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland.

Cali khaliif Galaydh iyo kooxdiisa kumaysan guulaysan mudada inay helan qorshihii ay Hargaysa u joogen Sadexda sano,

Intii Cali khaliif iyo xubnaha la socda joogen Hargaysa waxaa dhacay isbadello badan oo ku yimid Siyaasadda maamul Beeleedka somaliland iyadoo Beelihii Isaaq, ee maamulkaasi ku midaysna ku kala yaacen halka siyaasiyiintii maamulkaasina isku afgaran waayen arrimo badan oo ay kamid tahay doorashada Golaha deegaanka iyo Wakiilada .

Xiisada ka Dhex taagan Siyaasiyiinta Isaaq ayaa meesha ka saartay in Taliska Muuse oo awalba aan diyaar u ahayn Kooxda Cali khaliif inay xasuustan xataa in uu joogo Hargaysa Cali khaliif Galaydh,

Faysal cali waraabe oo kamid ahaa ragii isku xidhaayay Cali khaliif iyo Madaxtodoyada somaliland ayaa dhawaan waxa isku dhacay Faysal cali waraabe iyo Muuse Biixi iyadoo isku dhacaasi gaadhay gacan qaad.

Faysal cali waraabe waxaa uu ku war galiyay cali khalif galaydh iyo kooxdiisa inay iskaga baxan Hargaysa kana tashadan joogi taankeeda .

Ugu Danbayn Dr cali khalif Galaydh iyo xubnaha La socda xalay waxay Hargaysa ku galen shir ay uga hadlayan qaabkii ay uga bixi lahaayen Hargaysa iyo Wixii ay Sheegi lahaayen shacabkii ay khiyaamen ee Khaatumo.

 59 total views,  1 views today