Tallo Xumo:Beelaha Hagar iyo Bahararsame

Waxaa Magaalada Laascaanood, Sanadii 2010 lagu dilay Marxuum Ibraahim Axmed Shiire, oo kamid ahaa Masuuliyiinta Maxkamada ee Gobolka sool.

Dilka Ibraahim Axmed Shiire, Somaliland waxay uqabatay Farxaan Maxamed Xasan. oo maanta oo taariikhtu tahay 2020 .1.15 lagu dilay Mandheera,

2010 xiliga la dilay ibraahim Axmed Shiire, laascaanood waxaa ka Socday dilal qorshaysan oo in badan oo kamid ah Haldoorka gobolka lagu dilay islamarkaana aan Raq iyo Ruux toona loo hayn wixii dilay.

Ibraahim Axmed Shiire, markii la dilay shaqsiyaadkii loo qabtay waxaa kamid ahaa Farxaan Maxamed xasan, oo mudo 10 sano ah ku xidhna jeelka Hargaysa, kaaso marar badan oo la soo taagay Maxkamadda Hargaysa. lagu cadayn waayay Denbigaasi in uu dilka geestay.

Beelaha Hagar iyo Bahrarsame, oo ay ka soo kala jeedan Labada Marxuum mudada 10 sano ah ee Jeelka u ku jiray Farxaam Maxamed xasan, islamarkaana uu mootana Ibraahim Axmed Shiire, maysan samayn kulamo ay uga tashadan ragoodda midna dhintay midna wali u xidhan yahay denbiga Dilka Ah..

Nasiib darada taagan ayaa Ahayd in Beesha reer Hagar mudo 10 sano ah oo Farxaan ku xidhna Hargaysa aysan galin Hawshiisa balse markii ay ka Hadhsaneed dilkiisa saacado uun ay ka hadlen Tv 14 bishan 2020.

Beelaha Hagar iyo Bahrarsame, oo Awoodi ka raayay inay Tuhunka dilka ama isku qirtan ama ku kala dhaartan oo ragooda kii dhintayna sharciga ilaahay wuxuu ka xukumo uga samran kan kalana ay soo furtan ama ay iyagoo isla qirsan ay isku qisaastan waxay ka door biden inay Farxaana Jeelka ku ilooban 10 sano, Dhiigi ibraahim Axmed Shiire,-na maqnaado kadibna maanta Facebook kawada Baroortan markii Muuse Biixi Dhagta dhiiga udaray,

Si kastaha ha ahaate waxaan hadalkayga kusoo xidhaya Hagar iyo Bahararsamay Hawsha 10 sano aad xalin weydayn Yaanay sababin khasaare Hor leh.

KHAATUMONEWS.COM

 46 total views,  1 views today