Kornayl Ahmed Ciise oo kamid ah shantii Kornayl ee Dalka dibadiisa, Bilada Dahabka ah ku qaatay Aqoonta Military ayaa ka tagay Ciidamada Maamulka Somaliland, kadib markii uu kala kulmay Kornayl Biixi duudsi ay qayb ka tahay in Biixi ku yidhi “Kumushahar qaado Hoggaan Ciidan, balse arrimaha Ciidamada iyo hawlahooda Jananka ayuun baa qabanaya adiguna ha dhex gelin” taasoo ka dhigan ma tihid dhaladka koowaad (First citizen).
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kornayl Ahmed ayaa u wareegay Heer Federal waxaana Dawladda Federalku u magcawday Hoggaanka tababarada ee Ciidamada Xooga Dalka.
Taliyaha Ciidamada Xooga General Odowaa oo ay wada xidhiidheen Kornaylka u gudbay heer Federal ayaa siweyn u soodhaweeyey.
Kornayl Ahmed Ciise waxaa safarkiisa kuweheliya saraakiil kale oo ay kasoo wada jeedaan Gobolka Awdal.
