Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Tehran ayaa lagu xidhay dibad baxyo lagaga soo hor jeedo xukuumadda dalkaas oo ay muwaadiniinta dalkaas ku muujinayeen cadhadooda ku aadan diyaaradii laga lahaa dalka Ukraine ee uu ciidanka dalkooda soo riday.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Dominic Raab ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu caro ka muujinayo kadib xiritaanka safiirkan oo lagu magacaabo Rob Macaire iyada oo aysan xukuumadda Iiraan wax sharraxaad ah ka bixinin go’aankeedan.
Mr Macaire ayaa lagu xiray halka uu dibadbaxu ka socday ee bannaanka jaamacadda Amir Kabir barqanimadii Axadda ahayed ee saaka hasayeeshee waa la sii daaya saacado un kadib markii ay booliska dalkan gacanta ku dhigeen.
