Deg Deg:Madaxweynaha Puntland Oo Laga Diiday Qodob Uu Hordhigay Safiirka Mareykanka,

Garoowe{ Khaatumonews }Xog gaar ah oo aan ka helay wada hadalada Puntland iyo Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya ayaa sheegaya in mar kale Madaxweyne Denni lasoo gaarsiiyey sida aysan Washington u doonayn galaangalka gobolkaas ee dalalka qaarkood ka jawaabida dalabka Denni ee ahaa hoos keenida hawlgalka la dagaalanka argagixisada.

Xogta aan helay waxa ay sheegaysaa in Maraykanku ay sheegeen in saldhigooda Milateri yahay Bali-Doogle halkaas uuna ay tahay meesha laga maamulo hawlgaladooda ciidan, taasna ay tahay waajibaadka la dagaalanka Argagixisada suuragalna aysan ahayn in madaxtooyada Garoowe yeelato amarka, magacowga iyo wax ka badalka hanaanka shaqada ee ciidamada Maraykanka.

Doorashada Soomaaliya ayuu Yamamoto sheegay in loo qaban doono sida uu dhigayo sharciga doorashada ee ay meel mariyeen Baarlamaanka federaalka loona baahan yahay Puntland in ay la heshiiso dowladda dhexe.

 41 total views,  1 views today