War Deg Deg Ah:Safarka Axmed Madoobe Ee Garoowe Iyo Sirta Ku Duugan,

Garoowe{Khaatumonews} Sida Warbaahinta Khaatumonews loo xaqiijiyay, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa todobaadkan socdaal ku imaan doono, magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshaysan Isniinta soo socota  ku soo wajahan Garoowe, waxaana isaga iyo madaxweynaha Puntland ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka  iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada-hadlaan Xallinta tabashooyin bulshada ka soo jeeda  Beesha Harti ee ku nool Jubaland ay ka qabaan maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan.

 40 total views,  1 views today