War Deg Deg Ah:Hub iyo Ciidan Ka Goostay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland,.

Ceerigaabo{Khaatumonews} Degmada Xingalool waxaa maanta soo gaadhay labo kamid ah Gaadiidka dagaalka Ee Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yusuf Jibriil.

Taliye kamid ahaa Istafkii Abwaanka Cabdiqaadir Faarax Yusuf ayaa la soo goostay Hubkan iyo Ciidanka Saaran.

Saraakiisha iyo Taliyaha Hogaaminaya Ciidankan Soo Goostay ayaa sheeganaya inay lacag faro badan ku yeeshen Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland,

Degmada Xiingalool hada waxaa ka socda waanwaan uu wato taliye xuseen dheere oo kamid ah saraakiisha ciidanka puntland,