Sheekh Maxamed Idris Oo Kashifay Waraysi uu Siiyay Tv-ga Dawlada Somalia Oo si xun Loo Galay,

Waraysi kooban oo ilaa 13.54 daqiiqo ah ayaan siiyey shalay telefiishanka qaranka soomaaliyeed SNTV ee Dawladdu Maamusho. Waxaan weriyaha uga afeeftay hadii aan hadalkayga la wada sii deynayn iney waraysiga iga daayaan, waayo wixii naseexa ah Dawladda iyo shacabkaba waan siinayaa! Wuxuu yiri waa hagaag.

Hayeeshee maanta markii aan dhegeystey waraysiga uu sii daayey telefiishanka qaranka, dardaarankaygii u dambeeyey shacabka iyo dawladda, intii shacabka ayaa la sii daayey intii naseexada dawladda iyo dhaliisheeda oo aan wax dhib ahba lahayn, waa laga jaray!!! Malaha saaxiibada (studio) Muqdisho ee (Tifaftirka) ayaa u arkay inaan dawladda la dhaliili karin!! Waxaan ka codsan lahaa, iyagoo mahadsan, waraysiga dhamaystiran iney sii daayaan!

Nasiib wanaag waxaan hayaa waraysiga oo dhan iyo 3dii daqiiqo ee la jaray, (qudhaydu weriye ayaan ahaan jirey-ha illaawin). Waanan sii deyn doonaa inshallah.. (sawirka waa aniga iyo saaxiibkeen Abdulqadir (SNTV) oo waraysiga qaaday). Bal aan dhawrno!