Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo xidhan dharka madax-dhaqameedka ayaa maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo maamulka muuse Biixi ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Buurta Daallo, ayaa lagu qabtay munaasabadda uu ku wareejinayay ciidamada.

Caarre, ayaa isaga loo badinayaa in uu dalka ka bixi doono si uu cafis u soo dalbado.

Arrintan soo afjarkeeda waxa kaalin weyn ka gaystay Odayaasha dhaqanka ee Beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caarre.

bishii May sannadkii 2018-kii ayuu ka goostay ciidamada Somaliland isagoo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Beesha dhexe ka soo jeeda kaas oo Jabhad samaysta intii Somaliland lagu dhawaaqay.

Caarre, oo markii hore ka cadhooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn ayaa markii danbe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland.

Saddex jeer ayaan waraystay Kornayl Caarre, waxa uu ahaa nin markasta ku celceliya Jamhuuriyadda Somaliland xattaa mar uu ku sugnaa gudaha Puntland

Maanta ayuu ugu danbayn Caare Ku Wareejiyay Taliska Muuse Biixi ciidan gaadhaya kun Askari,