DAAWO:Deni oo sheegay in Puntland hogaamineyso kacdoonka Somalia

Madaxweyne Deni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta ee 54-aad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Deni oo ugu horeyn salaan sharaf ka qaatey Ciidanka Difaaca Puntland ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro. Tani waxay qayb ka tahay dib-u-habeynta ay dowladda ku waddo hay’addaha ammaanka.

Waxa ballan nagu ah in aan dalka madax-furasho dambe loo haysan doonin, mid meel istaaga, mid is-madoobeeya, iyo mid reer soo kaxaystaba, cidna kama aqbali doono,” ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay in Puntland hormuud u noqoto kacdoon dowladnimo oo ka bilowda guud ahaan Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed nasiib darada iyo hogaan xumada ku dhacdey waxaad moodaa in wixii yaraa ee la amaamudey mudadii yaraa ee dadku dowlad ahaa in la rabo in la burburiyo,” ayuu xusay.