Wasiirkii Hore Caafimaadka Maamulka Somaliland Saleebaan ciise Axmed Xaglo toosiye ayaa caawa Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal yaab leh oo Beelaha Dhulbahante Ee gobolka sool la iskaga horkeenaayo,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Xaglo toosiye ayaa Qoraalkan ka qoray Beelaha Bahrarsame iyo Jaamac Siyaad oo mudooyinkan isku Hayay Sandareedada maamulka Hargaysa,
Xaglo toosiye oo dhabarka saaraya Beesha jaamac siyaad islamarkaana sheegaya inay tahay Beesha kaliye udaadisay dhiig isaaq inay ilaa tukaraq geeyan ayaa Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa faray in Beesha iska leh sool oo xaglo Toosiye uga jeedo jaamac siyaad in dhaga loo furo lana dhagaysto warkooda,
Shacabka Laascaanood Ayaa aad hadal haya sababta hadalkan foosha xun ka yeedhsiisay Wasiir xaglo toosiye,
Xaglo toosiye oo kala kulmay culays xoogan ayaa markii danbe ka saaray qoraalkii uu soo galiyay Bogiisa .
