Madasha Xisbiyada Qaran oo ka jawaabtay qoraalkii NISA ee weerarkii Ex-Control

War-saxaafadeed ay caawa soo saartay Madasha Xisbiyada Qaran ayaalooga hadlay qoraalkii ay heyadda NISA soo saartay 30-kii December ee sanadkii hore, kaasoo lagu sheegay in dal shisheeye uu lahaa qorshaha weerarkii Ex-Control Afgooye.

Madasha ayaa sheegtay inay ka xun tahay qoraalka NISA, oo ay ku sheegtay in ujeedkiisu ahaa in lagu daboolo xaqiiqda weerarka, laguna marin habaabiyo bulshada.