Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad ee magaalada Garoowe.
Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sameeyey dhoolatus ay kusoo bandhigeen xirfadaha kala duwan ee ay barteen muddadii uu tababarku u socday.
Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo in ay helaan mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdiisa.
Waa qaybtii saddexaad ee Ciidanka Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.




