Daawo:Kulankii Hogaamiyaasha Xisbiyada Qaran iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia,

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha madashaas Shariif Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Mohamed Mursal Abdirahman.

Guddoomiye Mursal oo madaxda Madasha ku casuumay hoygiisa ayay ka wada hadleen xaaladda dalku marayo iyo dareenka Xisbiyada ku mideysan Madasha ka qabaan amniga oo sii xumaanaya iyo jahawareerka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada, dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Faahfaahin lagama bixin natiijada ka soo baxday kulankan, hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee kulan noocan ah ay yeeshaan labada dhinac, waxaana kulankan ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.