Ciidanka amniga ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, ee magaalada Wardheer ee Doolo, ayaa gacanta ku dhigay gaadhi noociisu yahay NOOHA, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Gaadhigan oo la qabtay markii uu soo galayay magaalada Wardheer, ayaan lo ogayn halka uu ku wajahnaa, hase yeeshee ciidamada amaanka ayaa baadhis dheeriya wada si loo helo cadaymo buuxa.
Booliiska dowlad degaanka ayaa sheegay in 4 nin oo gaarigaas wadatay la qabtay isla mar ahaantaasna ay hay’adda amnigu baaritaan su’aalo weydiinayaan.
Lama oga gaarigaan halka uu kasoo galay degmada Wardheer, hase yeeshee warar aanu ka helnay ilo madax banaan ayaa sheegaya in dhinaca gobolka Mudug uu kasoo galay.
