Deg Deg:Dagaal Ku Dhexmary Dhuusamareeb Ahlu Sunna iyo Dawlada Somalia,

Caasimadda Galmudug waxaa Duhurkii maanta yimid Hoggaamiyaha ASWJ Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Sheekh Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo xubna kale ayaa soo dhaweyay.

Maxaa Xigay?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliaya ayaa salaadii makhrib kaddib isaguna yimid Dhuusamareeb, waxaa wehliyay xildhibaano federaalka ah.

Sidee loo soo dhaweeyay Kheyre!

Ma jirin wax mas’uuliyiin ah oo ka socday ASWJ oo Ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay garoonka xitaa lagama dareemin imaashihiisa Magaalada.

Imaatinkiisa Maxaa xigay?

Markii Ra’iisul wasaaraha la geeyay Guriga Gobolka oo ah Madaxtooyada KMG ah ee Galmudug ayaa waxaa marqura magaalada ka dhacay rasaas xoog leh oo jihooyin badan ka dhaceysay, hadii aysan qaldaneyn dhagaheygu.

Yaa dagaalamay?

Waxaa dagaalamay Ciidamada Dowladda iyo kuwa ASWJ ee ku sugan Xarunta INJI.

Dagaalku waxa uu bilowday kaddib markii rasaas ka soo dhacday dhica ciidanka dowlada ay dhaawacday askri ilaalo ka ahaa Xarunta INJI.

Daqiiqado kooban kaddib waa ay joogsatay, in cabaar ah kaddib ayaa hadana waxaa dhacay iska hor-imaadka waxaana la sheegay in ciidamada ASWJ ay rasaaseeyeen gadiid marayay laamiga.

Khasaaraha

Waxaa jira dhaawacyo labada dhinac ah.

Xaalada Hada

Xaaladu hada waa ay dagan tahay, waxana la sheegayaa in ay kulamo socdaan.