
Jabhada U Hogaamiyo Kornayl Caarre ayaa Af-duubtay koox isku sheegtay Dakhaatiir oo ka tirsan maamulka Muuse Biixi.
Kooxdan oo ka kooban 4 Nin iyo 4 Dumar ah ayaa dhamaan ka soo jeeda qabiilka Muuse Biixi.
Sida qof deegaanka ahi noo sheegay, Kooxdan ayaa u timid gobolka Sanaag u kuurgalka xaaladda caafimaad ee gobolka.
Balse shaki laga qaaday darteen ayaa sababay in xabsiga ay u taxaabto Jabhada ka talisa Buuralayda inta badan gobolkaas ee uu hogaamiyo Cornayl Caarre.

64 total views, 1 views today