War Deg Deg Ah:Dagaal Beeleed Ka Socda Duleedka Berbera, iyo Khasaaraha Ka Dhashay,

Deegaanka Beeyo Dhaadheer oo ka tirsan deegaanka Laasciidle ee Degmada Saaxil ayuu ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo wada dagan.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba ardaa Axmed Faarax Iyo Cumar oo ka wada tirsan beesha Habarjeclo ayaa salka ku haya arimo la xidhiidha deegaanka ay wada dagan yihiin ee Beeyo Dhaadheer.

Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya Khaatumonews, dagaalkan ayaa sababay dhaawaca lix qof oo haatan lagu soo wado cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, halka khasaaraha dhimashaduna uu hal qof yahay kaas oo aan la cadayn ardaaga uu ka soo jeedo.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalkan ayey wararku sheegayaan in laba ka mid ahi halis yihiin isla markaana xaaladoodu culus tahay, iyada oo labada dhinacba ay ka dhaawacmeen min sadex qof.

Khaatumonews.com ayaa loo xaqiijiyey in dagaalkani yimid ka dib markii Ardaaga Cumar ee beesha Habarjeclo ay dooneen inay guri ka dhistaan deegaanka isla markaana ay dhagaxaan ku rogaan taas oo keentay in ardaaga Axmed Faarax ee isla beesha Habarjeclo ay ka gadoodaan taas oo keentay isku dhaca labada ardaa.

Sidoo kale wararka soo gaadhaya Khaatumonews ayaa sheegaya in dagaalka haatan dhexmaraya labadan ardaa ee ka soo jeeda beesha Habarjeclo uu salka ku hayo deegaamayn laga sameeyey dhul lagu muransan yahay.

Dhinaca kale Khaatumonews ayaa loo xaqiijiyey in ciidamo xoogan oo ka tirsanmaamulka somaliland ay ka baxeen magaalada Berbera kuwaas oo ku sii jeeda deegaanka ay labada beelood ku dagaalamayaan si ay u kala dhex galaan isla markaana nabad ugu soo dabaalaan.