
Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo isaga iyo wafti Wasiirro iyo Xildhibaanno ah ay maanta gaadheen magaalada Dhahar ayaa ka hadlay maamul u samaynta gobllada Sanaag iyo Sool, wuxuuna yidhi:
‘Khaatumada ay sheegayaan qolaha qurbajoogtu, waatii Cali Khaliif Galaydh la galay Hargeysa, horena gobolladani waxay u lahaayeen ururkii SSC, isna waxaa Hargeysa la aaday Wasiir Xagla-toosiye, Maakhirta la sheegayaana waxay noqon urur Hargeysa ama Burco lala galayo;Idinku haddii aad Hargeysa rabtaan xor baa u tihiin;haddii kale dowladdii Puntland waatan.”
Booqashada waftigan oo inta badan maraya deegaannada gobollada Sanaag iyo Haylaan; ayaa imanaya xilli muddooyinki danbe ay deegaannadaasi ka jirtay hadal hayn maamul u gaar ah iyo kacsanaan Puntland ka dhan ah.
Waxaana socdaalka madaxdan kala duwan daaran yahay qancinta bulshada gobolladaasi, sida ay inoo sheegeen ilo xogo-gaal ah.
Magaalada Dhaharna, maanta waxaa ku sugan dhammaan Taliyaasha ciidamada Puntland ee Sanaag iyo Hyalana, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiinta kala duwan..

38 total views, 1 views today