Deg Deg:Dhulbahantaha Ku jira Puntland Oo La Weydiiyay Su aal Halis Badan,

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa caawa la weydiiyey Su aal adag,

Haddii Puntland ay ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah adiga waxaa lagaa soo doortay degmada Laascaanood, ma waxaad doonaysaa in Garoowe lagaa doorto, inta dad laascaanood laga soo aruuriyo, ilayn degmadaadu gacanta Puntland muddo waa ka maqnayde?”.

Wuxuu kaga jawaabay; ‘inta ay xukuumaddan joogto ayaa la soo celinaya Laascaanood haddii ay suuro geli weydana dadka la keenayo’

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan sheegay in doorasho qof iyo cod ah oo heer degmo ah ay ku qabanayaan muddo laba sanno gudahood ah.