Xildhibaannada Golaha Shacab-ka ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ah isugu uga dooddi doona sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhawaan loo gudbiyay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Xildhibaannada ayaa sharcigan siweyn ugu kala aragti-duwan sharcigan oo qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay mid hal dhinac oo kale u daneynaya, laakiin aan ku qotomin rabitaa shacabka ee ah awood doorasho dib gacantooda loogu celiyo.
Balse waxaa dhinaca kale jira xildhibaanno iyaguna difaaca sharcigan oo u arka in uu yahay mid ay tahay sidiisa loo ansixiyo.
Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa iyagu dhankoda u muuqda kuwo kalsooni badan ku qaba sharcigan hor yaala Baarlamaanka iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada in waajibkooda ka gutaan kaddibna la galiyo codka kalsoonida.
