Deg Deg Daawo:Dawlada Soomaaliya Oo Shaacasiy in Khasaare Xoogan Ka Dhashay Qaraxii Saaka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka warbixiyey qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay.

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay Qarax saaka ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah.

Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday badan oo la socotay gaari Bus ah.