Nabada iyo Horumarka Dhulbahante Qaarkii Sheeganayan Marka Isaaq Xabadda Loo Qaato Maxaad ka taqaan?

Tan iyo markii Buuhoodle looga dhawaaqay Jabhada Dib u xorayta Gobolada Khaatumo ee SSC waxaa soo shaac baxaayay dad kala duwan oo ka dhiibanaaya aragtidooda oo u badan dadka deegaanka SSC.

Dadka Ka soo hor jeeda Xoraynta gobolada SSC ayaa kusoo dhuumanaya Ereyo ay kamid tahay Ha la ilaasho nabada iyo Horumarka looma baahna 2020 Jabhadayn.

Su aasha meesha ku jirta ayaa ah Maxay tahay Horumarka iyo nabada uu haysta maanta dhulbhante.

Beel kamid ah Beelaha Daga Waqooyiga soomaaliya Gaar ahaan Burco iyo Hargaysa ayaa rabitaankeeda ku maamulaysa Deegaanada Dhulbahante islamarkaana laascaanood iyo deegaano badan oo kamid ah dhulka Dhulbahante waxaa dul Hoganaya Kumanaan maleeshiyaad beesha isaaq ah ujeedkooduna yahay inay taariikh ka dhigtan dhulbahante ayaanu bari qabsanay.

Hadaba aaway nabada ay sheegayan kuwa dhulbahante kamidka ah ee ka soo horjeeda Xoraynta Dhulka SSC, Mise waxay nabad u arkan In lagu aamus naado Rabitaanka Beesha isaaq oo raali lagu ahaado.

Wajiga labaad ee dadka diidan Jabhada Xoraynta SSC ay ku doodan ayaa ah Horumar.

Deegaanka dhulbahante Laascaanod Ceerigaabo Buuhoodle ayaa ugu weyn majiro Horumar la sheego oo uga Yimid Maamul Beeleedka isaaq.mana dhici karto in beel kale dhulkaaga kuu horumariso

Maxay tahay nabada taal laascaanod?

Maxay tahay Horumarka yaal laascaanod.?

Laascaanood 2004 ayay ka dhaqaalo badneen maanta oo ka shacbiyad badneen maanta 2020 oo ka xornimo iyo ka magac wacneed maanta.

Laascaanood maanta waxay noqotay hoyga saboolka magaalada kaliye soomaaliya beel kale xukunto dhaqaale la sheega mayaal majirto dad masuuliyin ah oo ku nool waxgaradkeedii iyo labeenteedii waxay u kala haajiren Qurbaha iyo gobolada dalka sooamaaliya,kaliya waxaa ku noo Maato ubadan Caruur iyo dumar,

Laascaanood 2004 Qolka Kiradiisu waxay Ahayd wax ka yar 15 Dollar maantana waxay maraysa 55 Dollar waa sababta ugu wayn ee saboollnimada Ay hoyga ugu noqotay.

Laascaanod dhaqaalle mayaal aan ka ahayn in dadku dhaqaalle ka raadiyan kiradda Guryaha waxayna taasi keentay in Kiradu cirka gasho

Burco oo jaar la ah laascaanood Halka Qolku waxaa lagu kireeya 25 Doollar sidoo kale biyo galin ayay leedahay Burco, Intaas oo shirkadood Oo Ganacsi ayay leedahay.

laascaanodna Biyo galin malaha walina waxaa la cabaya Biyihii Qararara Ganacsi weyn oo yaal oo la sheego maanta majiro.

Su aasha kale ee taagan ayaa ah Dhulbahante hadii uusan deegaankiisa isagu maamulan ma kula tahay in beel kale intay u maamusho inay horumar u gaadhsiinayso?

Anigu Horumar uma Arko Nin ushaqo tagay Hargaysa iyo mid Taageeraya oo ay isku beel yihin ama uu xooga siiyo,

Ugu Danbayn waxan kusoo xidhaya hadalkayga dhulbahantaha muqlaysan una usheegaya in Horumarka iyo nabadu ay imaanaso maalinta la iska xoreeyo maleeshiyada Beesha isaaq.